Ku socoto ardeyda iyo waalidka mas’uulka ah: Waxey ku saabsantahay waxbarashada dugsiga sare oo guriga laga la socon

Kontakta Site Page

Site Page

Kontakta Umeå kommun

Telefon: 090-16 10 00

Besöksadress: Skolgatan 31A, 901 84 Umeå
Öppettider: Måndag-fredag kl. 8.00-17.00

Degmada Umeå waxey go’aamisay tallaadadii 17 maarso iney ku dhaqanto talada dowlada oo waxbarashada dugsiga sare iyo dadka weeyn in ardeyda waxbarashada ayagoo gurigooda joogo kala socon. Warqadan waxaa ku qoran warbixin sida dugsiga sare waxbarashadas u fulin doonan.

Hadefkeena waa in howsha meherada la sii wado laakin sidii hore hab ka duwan. Anaga waa fahansanahay in arrintan su’aalo badan dhallin oo sidas darteed anaga waan ku da’daali inaa warbixinta aad u baahantahiin idin siino. Gacanta koowada waxaan isticmaali Lärum iyo bogga internetka oo iskuulka.

Warbixin jimcadii 20 maarso

Waxaa dooneynaa inaa idiin mahad celino ardeyda iyo waalidiinta mas’uulka howshii aad qabateen isbuuca hada dhammaaday! Isbuuca cusub waa sii wadeyna waxbarashada qofka asagoo gurigiisa joogo ka dhigan sida jadwalka ku qoran. Haddii aad dooneysid inaa su’aal na weeydisid fadlan la soo xiriir macallinka mas’uulka ama macallinka xisada dhigi.

Warbixinta arbacada 18 maarso

Waxbarashada loo dhigan sida ku qoran jadwalka
Waxbarashada qofka asagoo gurigisa ama meel kale joogo wuxuu u dhigan sida jawdalka ku qoran ilaa intii suurtagal ah. Adiga ardeyga ah warbixinta aad u baahantahay oo ku saabsan waxbarashada aad dhiganeysid waxaa ku siin macallinka koorsadas mas’uulka ka ah. Haddii aad ka heli weeysid Lärrum warbixinta aad u baahantahay oo koorsada aad dhiganeysid, la xiriir macallinka oo u dir e-meyl ama kala xiriir meesha aad iska la xiriirtiin.

Ka qeybqaadashada
Xaalada sidey dooneyso ahaato anaga waxaa rabnaa in ardeyda ku guuleystan waxbarashadooda ilaa intii suurtagal ah. Aad bey muhiim u tahay in adiga ardeyga ah xisada ka qeybqaadatid iyo mas’uuliyada ku saaran ka soo baxdid.

Anaga waxaa adiga waalidka ah kaa codsan inaa ardeyga dhallin yarada wakhtigan isbadalka lagu jiro caawisid sidey xisadaha u noqdan mid fudud ilaa intii suurtagal.

Qado iskuul
Ardeyda oo ku nool degmada Umeå iyo dhigto dugsiyada sare oo degmada mas’uulka ka tahay oo la dhaho Dragonskolan, Forslundagymnasiet, Maja Beskowgymnasiet ama Midgårdsskolan waxaa la siin fursad ey qadada iskuulka uga soo doonankaran iskuulada hoose/dhexe iyo dugsiyada sare oo degmada mas’uulka ka tahay.

Anaga waxaan adiga ardeyga ah iyo adiga waalidka ah inaa ka warhaysiin iyo ka qeybqaadatin warbixinta la soo galiyo Lärum. Haddii aad dooneysid inaa su’aalo naga weeydisid isbadelkan ama dooneysid inaa su’aalo kale na weeydisid fadlan nala soo xiriir!

Warbixinta tallaalada 17 maarso

Maadaama degmada Umeå go’aamisay iney ku dhaqanto talada dowlada oo waxbarashada u badasho mid oo ardeyda dugsiga sare, ayagoo gurigooda joogo kala socdan, waxaan soo bandhigi doona qorshaha oo arrintas lagu fulin laheyn. Meherada waa la sii wadi laakin sidii hore mid ka duwan. Anaga waa la soconaa in arrintan ey dhallineyso su’aalo oo sidas daraadeed anaga waxan ku da’daali inaa warbixin joogto idiin soo gudbino oo meesha howsha mareyso. Gacanta koowad anaga waxaan adeegsandoona goobtaan, oo la dhaho Lärum.

Sidaa uga qeybqaadankartid waxbarashada qofka asagoo gurigiisa joogo kala socon anaga waxaan adiga kaa codsan inaa haysatid/xalinkartid arrimahan:
- Kombiyuutar shaqeyneyso oo iskuulka.
- Inaa qadka internetka haysatid.
- Qalabka guriga kuu yaal (tusaale ahaan fiilada korontada, buugta waxbarashada).
- Google ka soo gashid (e-meylka waxbarashada) iyo Lärum.

Intee baa la soo xiriiri haddii aan u baahdo kaalmo iyo caawinad ku saabsan farsamada qalabka?

Waxaa jiro telefoon lambar la soo wici oo kaa kaalmeyn wixii su’aalo oo ku saabsan farsamada qalabka, isniin-jimco saacadaha 07.45–16.30 oo lambarka 090-16 64 10. Waxaa xita jiro bogg internetka oo kala soo xiriiri kartid oo su’aashada intaa ku soo qortid usoo diri kartid. Su’aalaha waxaan uga soo jawaabi sidey ukala horeeyan. U gudub boggas internetka Länk till annan webbplats.

Skriv ut
Senast uppdaterad: 27 april 2020
Sidan publicerad av: Therése Swärd